23.jpg

Wasiir Kuxgeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradda ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Bosaso,Xarunta Cashuuraha,Xarunta W/Maaliyadda iyo Furdada Boosaaso.

Mudane Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa kormeerkiisa,waxaa ku weheliyey Aggaasimaha Guud ee Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan.

Wasiirka Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa kormeerkiisu ahaa habsami u socodka howlaha shaqoee Wasaaradda iyo Isbarasho shaqaalaha Wasaaradda. 

Aggaasimaha Guud ee Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan ayaa uga warbixiyey Wasiir kuxigeenka howlaha baaxada leh ee ka socota Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa uu kormeeray Garoonka diyaaradaha Boosaaso,Cashuuraha Berriga,Xarunta Wasaaradda iyo Furdada weyn ee Boosaaso halkaasoo uu kula kulmay Madaxda iyo shaqaalaha.

Ugu dambeyn, Mudane Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa kula dardaarmay shaqaalaha iney dardar geliyaan shaqada ay u hayaan bulshadooda.

Madaxa Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Xafiiska Boosaaso