FB_IMG_1537894189643.jpg

Wasiir Kuxigeenka cusub ee Maaliyadda Puntland oo xilka la wareegtay(Sawirro)

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa Xilkii Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ku wareejiyay Wasiirku xigeenka dhowaan uu u soo magacaabay Madaxwaynaha Puntland ee Wasiir Marwo Saynab Ugaas Yaasin.

Xaflada Xilwareejinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Maliyaddu ku leedahay Boosaaso,waxana Goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Siciid Carshe Dhaqaaje.

Wasiir kuxigeenkii hore C/salaan Bashiir ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda iyo dhamaan madaxdii ay soo wada shaqeeyeen uuna ku farax sanyahay in uu xilka ku wareejiyay Wasiir Marwo Saynab Ugaas Yaasin.

Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland C/risaaq Siciid Nuur ayaa sheegay in ay sa gootinaayaan Wasiir kuxigeenkii hore C/salaan Bashiir C/slaan ayna soo dhowaynayaan Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaradda Maaliyadda Marwo Saynab Ugaas Yaasiin.

Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland Marwo Saynab Ugaas Yaasin ayaa hadal kooban madasha kasoo jeedisay,waxana ay umahadcelisay dhammaan madaxdii ka soo qaybgashay xilwareejinteeda,waxayna Alle ka bariday in uu u fududeeyo shaqada laga sugaayo.

Wasiirka Wasaaradda Dawladda Puntland C/laahi Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa Wasiir ku xigeenka cusub ugu hambalyeeyay shaqo wacan ayana soo dhowayn doonaan.

Xafiiska Wacyigalinyta iyo Warfaafinata Wasaaradda
Maaliyadda Dawladda Puntland