img_1644-1

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo la dhaariyey

img_1644-1Xarunta madaxtooyada Garowe ayaa waxaa lagu dhaariyey Wasiir kuxigeenka dakhliga ee Wasaarada Maaliyada Puntland mudane Maxamed Jibriil Caateeye.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan Maxkamada sare ee dawlada Puntland iyo qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa dhaarta kadib waxa  uu kula dardaarmay in ay shaqadiisa uu si daacad ah u guto, iguana adeego dadka iyo dalka.

unnamed-1Sidoo kale waxa uu kusimaha Madaxweynuhu masuuliyiinta la dhaariyay illaahay uga baryey inuu ku asturo xilalka loo igmaday, isla ,markaana u sahlo sidii ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda,

Wasiir ku xigeenka dakhliga ee wasaarada Maaliyada Puntland Mudane Maxamed Jibriil Cateeye ayaa ballan qaaday kuna dhaartay in uu u adeegi doono bulshada isla markaana uu ka fogaan doono wax walba oo shaqada hakad gelin kara.

Waaxda Warbaahinta

Maaliyadda Puntland.