92D20992-59F1-468E-A1BD-866E3036EC0F.jpg

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Puntland iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Gaalkcyo(Sawirro

Wafti uu Hogaaminaayo Wasiir ku xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Yaasiin Ibraahim Ciise (Darmaan) ayaa booqasho ku yimi Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Booqashadan Wasiir ku Xigeenka dakhliga waxaa ku weheliyay Agaasime ku xigeenka guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Xasan Cali Samatar iyo Agaasimaha waxaada Furdooyinka Siciid Axmed Fagaase.

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka yimi Caasimada Puntland ee Garoowe waxaana Magaalada Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug.

Masuuliyiinta oo ay weheliyaan Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug Ismaaciil Cali Nuur Geesey iyo saraakiil kale oo katirsan Wasaradda ayaa kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug, Qeybo Kamida Kastamada Cashuuraha,Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yusuf Axmed iyo Kastamka Cashuuraha ee laanta Dusmada.

imaanshaha Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ayaa ku aadanaa ogaanshaha Wax soosaarka dakhliga iyo hab usocodka shaqada.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Burhan Maxamed Cabdi

Gaalkacyo/Mudug