53

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Puntland oo ka hadlay Baco laga mamnuucay Puntland oo lagu qabtay Kantaroolka Boosaaso(Sawirro)

53Ciidamada Kantaroolka magaalada Boosaaso oo kaashanaya kuwa Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa gacanta ku dhigay oo ku guuleystay baco si tuugnima ah la doonayey in lagu geliyo gudaha magaalada Boosaaso.

Gaarigan siday bacaha ayaa ka yimid magaalada Gaalkacyo,waxaana horay looga mamnuucay bacaha Puntland.

Taliye kuxigeenka Kantaroonka Bosaso Barkhad Cali Xasan ayaa ka warbixiyey qaabka ay u qabteen gaariga siday bacaha,wuxuuna sheegay in amaanta ay medan yihiin ciidamada.

Agaasime kuxigeenka Waaxda Furdooyinka Yaxye Maxamuud Siciid ayaa dhankiisa sheegay in horay looga mamnuucay bacahan degaanada Puntland ayna yihiin sharci-daro in lasoo geliyo.

Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Siciid Caateeye
Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Siciid Caateeye

Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Siciid Caateeye ayaa ugu danbeyn fariin adag u diray cid walba oo bacahan soo gelinaysa Puntland.

…..” Qorsha bilaabmaya ,dadka hadaba aan ogeysiineyno in baabuurkii halkaas soo mara laga shakiyo ama rar weyn sida oo buleetadiisa lagu soo cashuuray soo qaato haddii kale xamaali ba halkan degaya,xamaaligoodii lacagta loo dhigayaa baabuurka waa la dejinayaa haddii laga helo waxan buleto sax ah wadan kontarabaan bey noqoneysaa dib baa loo cashuurayaa oo boqol iyo dheeraad ba la saarayaa ,ganaax ba lagu darayaa ,dareewalka wadana wuxu noqonayaa danbiile ka qeybqaatay badeecadaha la qarinayo ama ee cashuurta lala dhaafayo””ayuu yiri.
Mudane Maxamed Siciid Caateeye ayaa u mahadnaqay ciidamada iyo furdooyinka iyo cid walba oo ka qeybqaadatay hawlgalkan.

34 35 36 38 39 40 42 44 45 47 51 52 54

Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com