Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Axmed Yaasiin Saalax oo ka hadlay Shaqadii Kastamka Cashuuraha oo la laba Jibaaray[Sawirro]
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowladda puntland Axmed Yaasiin Saalax oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee Dekeda Bosaso ayaa sheegay in shaqadii kastamka Cashuuraha ee dekeda Bosaso laga dhigay 24 Saac si loogu fududeeyo ganacsatada iyo bulshadda reer puntland inay alaabooyinkooda ay kala degaan dekeda bosaso.
Shirkan jaraa’id oo uu wasiirka ku weheliyay Maamule k/xigeenka dekeda Bosaso Dhagaxtuur ayay sheegeen in shaqo kordhinta kastamka Dekeda ay ka dabmaysay ka dib markii Maraakiib tiro badan iyo doonyo is biirsaday oo ay dib u dhigeen dabaylihii dhacayay xiliga xagaagu ay ku soo wajahayihiin, qaybtooda ay ku xiran yihiin dekeda bosaso.
Maamule K/xigeenka Dekeda oo ugu horrayn hadlay ayaa sheegay in shaqadii kastamka ay gaarsiiyeen ilaa 10 habeenimo si ay ugu adeegaan Ganacsatadda, waxaana uu sheegay in maraakiibtii marka hore ku degi jirtay 5 maalmood, hadda ay ku degaan labo maalmood oo qura.

“ Shaqadii dekeda bosaso waa labolaabnay, maraakiib ayaa soo wajahan, shaqadii dekeduna waxay u badatay maraakiib, waxaanuna go’aansanay inaanu u shaqayno ilaa 10 fiidnimo, shaqadii xiligii la qaban jiray 24 saac aanu ka dhigno si aan u dedajino shaqadii maraakiibta, anagoo baakinga maraakibitu nagu yar yahay awgeed” ayuu yiri Dhagax tuur
Wasiir K/xigeenka maaliyadda dowladda Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo safar shaqo ku yimi Bosaso ayaa sheegay in wasaarada maaliyada iyo ganacsatadu ay xiriir wanaagsan leeiyihiin, waxaana suu sheegay in go’aanka lagu kordhiyay shaqada kastama cashuuraha uu yahay go’aan ka soo baxay madaxda sare ee Wasaaradda, si ay ula qaybsadaa culayska haysta ganacsatada reer puntland iyo kuwa soomaaliyeed.
“ Annagu waxaanu had iyo jeer la qaybsaynaa culayska ganacsatada iyo bulshadda, in baahidooda la daboolo, oo marka gaadiid tiro badan yimaado, waxaanu heegan u nahay inaanu 24 saac shaqayno, go’aankaasi waa mid aanu ku qaadanay inaanu u fududayno ganacsatada” ayuu yiri Wasiirku
Wasiirku wuxuu tilmaamay in cashuurtu ay tahay lafdhabarta dowlanimadda, wuxuuna uu uga digay ganacsatadda inay la baxdaan cashuuraha, Wuxuu sheegay inay shuruuc iyo awaamiir cusub ka soo saareen dadka cashuurta musumaasuqa.
“ Waxaanu faraynaa ganacsatadda inay ku dadaalaan bixinta cashuuraha, oo aysan isku dayin dhinaca musuqmaasuqa iyo shaqsiga doonaya in cashuurta dowladda dhaafsiisto wax yar oo isku day ah, shaqaduna hadda waa ka bedelan tahay sidii hore, shuruuca iyo awaamiir farabadan ayaa laga soo saaray qofkuu isku daya inuu cashuurta la garab maro goobta loogu talagalay
Wasiirku wuxuu kaloo uu sheegay inay wasaaradu ay dib u eegis ku samayn doonto cashuuraha berriga oo isugu jirta labo dhinaca oo ah wanaagii, u dhimrintii shacabka puntland iyo dhinaca kale in la Saxo tariifooin khaldan oo aanu doonayno inaanu saxno.
Dekeda magaaladda Bosaso oo ah isha dakhli ee ugu weyn ee dowladda puntland oo xiligii xagaaga ay hoos u dhaceen Maraakiibta iyo doonyaha shixnadaha u sida ganacsatada eek u soo xirta ayaa maalmahan waxaa laga dareemayaa mashaquul aad u badan, iyadoo markaabii iyo dooyo tiro badan ay ku soo fool leeyihiin , qaarkoodna ay sugayaan in laga dejiyo shixnada ah ay wadaan.
Waaxda Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com