Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Kastam cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Daarusalaam ee degmada Goldodob(Sawirro)

DAARUSALAAM – Wafdi uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame”Qawdhan” ayaa maanta xariga ka jaray Kastam cusub oo laga hirgaliyey deegaanka Daarusalaam oo hoostaga degmadda Goldogob ee gobolka Mudug.

Xafladda furitaanka waxaa kasoo qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Suldaan Cabdirishiid Suldaan Muuse, Ku-simaha Agaasimaha Guud ah K/Agaasimaha Guud ee Dakhliga,Taliyaha Nabadsuggida Puntland,Issimo iyo waxgaradka deegaanka Daarusalaam.

Kastamkaan oo isku xiri doona Dowladda Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa qayb ka noqon doona horumarka dhanka dhaqaale iyo is dhexgalka bulshooyinka labada dhinac.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo madasha ka hadlay ayaa sheegay muhiimadda u leeyahay Kastamkaani, isagoona xusay inuu noqon doono mid ka qayb qaata horumarka kaabayaasha dhaqaalaha.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa xusay in Kastamkaan uu ka mid noqon doono ilaha Dakhli ee ugu muhiimsan Dowladda Puntland,

Agaasimaha ayaa uga digay ganacsatada ku sifoowday barmuuddada inay ka waantoobaan isla markaasna ay maraaan kastamyada sharciga waafaqsn.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaraddao Maaliyadda
Dowladda Puntlan