IMG_3996

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Iyo Wafdi la socda oo u dhoofay Kenya(Sawirro)

IMG_3996Wefdigan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Puntland Axmed Yaasiin Saalax iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Sidoo kale xubnaha Wefdiga Wasiiradda Dowlada waxa la socda qaar kamid ah gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntland gaar ahaa degmooyinka ay ka socdaan barnaamihka JPLG.

IMG_3993Muhiimadda ugu weyn ee xubnaha masuuliyiinta dowlada maanta ugu dhoofeen Dalkaasi Kenya waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay madaxda beesha caalamka ugala soo hadli laahaayeen barnaamijka JPLG.

Shirkan ayaa waxaa socon doona mudo todobo cish ah iyadoo diirada lagu saari doono waxyaabihii ka soo qabsoomay barnamaijka horumarinta degmooyinka iyo caqabadaha ku yimid barnaamijka mudadii uu shaqeynayay.

IMG_3988Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo inta uusan ka dhoofin garoonka la hadlay warbaahinta wuxu sheegay inuu muhiim gaar ah xukuumada u leeyahay shirkan.,

IMG_3978Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasin Saalax ayaa dhankiisa sheegay in  talaabadan ay noqoneyso mid la doonayo sidii loo xakameyn lahaa howshan  loona dar dar gelin horumarinta degmoyinka Puntland.

Maxamuud Cabdisalaan
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda
Garoowe