A437F61C-6E90-487F-A9A8-722866772799.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda iyo xubno ka tirsan dowladda oo gaaray Galdogob[Sawirro]

GALDOGOB –  Waftigan oo uu kamid ahaa Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland ahna ku simaha Wasiirka Cumar Xasan Fiqi, Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi,Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yusuf Xirsi, Xildhibaan Cabdiweli Yusuf Dirir, Xisaabiyaha W/Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey, Agaasimaha guud ee W/Gamacsiga Cabdisamad Maxamed iyo Agaasimaha Fayadhowrka Puntland Asad Cismaan Nuux ayaa gaaray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta laba golle ee Puntland ayaa socdaalkoodu waxa uu qeyb ka yahay sidii horumar looga sameyn lahaa Kastamka Tuurdibi ee Puntland iyo Itoobiya.

Kulan ay si wadajir ah u yeesheen mas’uuliyiintan ,Maamulka degmada Galdogob iyo Odayaasha dhaqanka ayaa madaxda Dawladdu waxa ay Bulshada reer Galdogob xog dheeraad ah ka siiyeen Kastamka Tuurdibi kana codsadeen sidii Dawladda Puntland gacan uga geysan lahayd hirgelinta Kastamka.

Odayaasha dhaqanka ayaa Madaxda  Dawladda Puntland u ballan qaaday in ay garab istaagi doonaan hirgelinta Kastamka Tuurdibi ayana ka faa’idaysan doonaan.

Dawladda Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku hawlanayd hirgelinta Kastamka Tuurdibi ee Puntland iyo Itoobiya.

Si loo hirgeliyo Kastamka Tuurdibi Dawladda Puntland waxa ay dhowaan Dawladda Itoobiya wafti heer wasiir ah oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Ganacsiga Cabdulaahi Cabdi Xirsi iyo Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland