FB_IMG_1538565203768.jpg

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda oo Kulan la yeelatay Shaqaalaha W/Maaliyadda ee Boosaaso[Sawirro]

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntalnd Saynab Ugaas Yaasiin oo dhowaan xilka Wasiir kuxigeenka la wareegaty ayaa kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee ka hawlgala magaalada Boosaaso.

Saynab Ugaas yaasiin Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Dawaladda Punatland Xafiisyada ay booqtay waxaa ka mid ahaa Waxaada maamulka ,Hanti dhawarka gudaha (Internal Audit) ,Waxaada Qorshaynta iyo tababarada,Waxaada Miisaniyada iyo Xisaabaadka guud.

Agaasame ku xigeenka Waxaada Miisaaniyada Liibaan Cabdulaahi ayaa Wasiir kuxigeenka Maaliayadda xog dheeraad ah ka siiyay Hab usocodka shaqada iyo xogta shaqaalaha iyo wax yabaha ay tabayaan siwayna ay usoo dhowaynayaan.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Saynab ugaas Yaasiin ayaa Shaqaalaha uga mahad celisay sida ay usoo dhoweeyeen,waxayna  sheegtay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo soo xeraynta dakhliga waxyabaha ay tabayaana wax laga qaban doono.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland