1P8A2952.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir oo gaaray degmada Waaciye [Sawirro]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ka ambabaxay magaalada Boosaaso oo howlo shaqo u joogay ayaa tagay magaalada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa degmada Waaciye ee gobolka Karkaar markii uu gaaray booqday kaga qeybgalay kulan ka dhacay Isbitaalka degmada.

Isbitaalka degmada ayaa waxaa ka socday shir dib eegis loogu sameynayey mashaariicda Caafimaad ee ka socda gobolka Karkaar,waxaana ka qeybgalay dhammaan mas’uuliyiinta xarumaha Caafimaadka ee gobolka iyo madax kale.

Madaxda degmada Waaciye iyo mas’uuliyiintii kale ayaa Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan kusoo dhaweeyey shirka ,wuxuuna ka jeediyey hadalo kooban.

Qaar kamid ah bahda caafimaadka ee kulanka ka qeybgalay Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa usoo gudbiyey baahiyo ka jira degmooyinka ay ka yimaadeen isla markaana ay doonayeen in wax laga qabto.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ka jawaabayey baahiya loo soo gudbiyey ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay kobcinta dakhliga isla markaana wax laga qaban doono baahiyaha jira.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntlnad