Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cumar Fiqi oo tababar usoo xiray shaqaale ka kala socday DFS iyo Maamuladda dalka(Sawirro)

GAROOWE — Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa tababar u soo xiray shaqaale ka kala socday Wasaaradaha Maaliyada ee Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka Soomaliya.

Tababarka oo lagu baranayay casharro ku saabsan xisaabaadka maaliyadda gaar ahaana barnaamijka CIPFA – Chartred Institute of Public Finance and Accountancy).

Barnaamijkan waa mid loogu talagalay in lagu tababaro shaqaalaha dowladda ee ka shaqeeya maamulka gaar ahaana xisaabaadka maaliyadda dalka.

Tababarkan waxa maalgelinayay Bangiga adduunka, waxaana fulinayay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland qaybteeda mashaariicda DRM iyo PFM, waxaana ka soo qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi, xiriiriyaha mashruuca PFM Cabdulqaadir Xaashi,macallimiin, xiriiriyaha dhanka Jaamacadda Mr Dayib iyo xubno kale.

Madaxa mashruuca PFM-ka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Xaashi ayaa sheegay in barnaamijkan ay fulinayso Puntland gaar ahaana W/Maaliyadda taasina ay tahay guul.

“ Waxaa nasiib wanaag ah in anagu nahay dadkii fulinaayay barnaamijka, oo Bangiga Adduunku ku aaminay taasoo goboladii oo dhan qayb ka yihiin, Puntland loo arkay mid kobocday , tayadeenu sida ay u fiican tahay , macallimiin heer caalami ahna ay joogaan ayaa waxa laga codsaday in Dowladda Puntland ay barnaamijka iyadu ay waddo weliba Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyaddda Cumar Xasan Fiqi oo soo xiray tababarka ayaa dadkii ka qeyb galay tababarka u soo jeediyay in casharadii ay barteen kana faa’idaysteen ay dib uga celiyaan xarumaha ay ka socdaan.

Madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa si weyn loogu ammaanay tayeynta iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland