08020AD9-42BA-40FE-8843-CBA7140D8CAD.jpg

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Eng. Cumar Xasan Fiqi oo booqasho ku tagay Jigjiga(Sawirro)

Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa dhowaan Booqasho ku tagay wafti ay hoggaaminayaan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland Cabdulaahi Cabdi Xirsi iyo Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cumar Xasan Fiqi.

Masuuliyiintan Golaha Wasiirada ayaa booqday Magaalada Jigjiga waxana halkaasi kusoo dhoweeyay Wasiirka Ganacsiga Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Booqashadan ayaa timi kadib markii Dawladda Puntland ay Casumaad ka heshay Madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Mustafe Maxamed Cumar.

Kulan dhexmaray Madaxwayne Mustafe iyo Wasiirada Puntland ee booqday ayaa looga wada hadlay xiriirka ganacsi ee ay Puntland lawadaagto Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Intii kulankaasi socday ayaa diirada lagu saaray sidii loo hirgalin lahaaa dhamaystirka Kastamka Tuurdibi,habaynta wadooyinka soo gala iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar ayaa soo dhoweeyay xogtii Madaxda Puntland ee Kastamka Tuurdibi waxana uu sheegay in dhanka wadooyinka mid lawado kuwo kalena lasamyn doono dhowaan.

Wasiirada Dawladda Puntland ayaa Madaxwayne Mustafe Maxamed Cumar kala hadlay in uu Puntland yimaado sidoo kalena Madaxwaynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni booqasho ku tago Dawladda Deegaanka taas oo uu aqbalay Madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar.

Xubnaha Golaha Wasiirada intii ay ku sugnaayeen Dawladda Deegaanka waxa ay booqdeen Xabsiga wayn ee la xiray iyo jaamacada jigjiga Univesatay waxana ay kulan laqateen Ardayda reer Puntland iyo Gudiga Jaamacada

kulamadii ugu dambeeyay ayaa lays ku afgartay in laga wada shaqeeyo xiriika ganacsi ee labada dhinac.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland