430A7310-9F13-459E-85E2-746D2DB321A4.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Eng. Cumar Xasan Fiqi oo xilka la wareegay(Sawirro)

GAROOWE – Wasiirku Xigeenkii hore ee Maamulka Maaliyadda Saynab Ugaas yaasiin ayaa xilkii ku wareejisay Wasiir kuxigeenka cusub ee Maamulka W/Maaliyadda DPL, Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi

Xilwareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Eng. Cumar Xasan Fiqi

Wasiirku Xigeenkii hore ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Saynab Ugaas yaasiin ayaa ugu horay halkaasi ka hadashay.

” Wasiirku Xigeenka Cusub waxaana ku soo dhowaynayaa Wasaaradda Maaliyadda anigoo si sharaf leh xilkii ugu wareejiyay ilaahna ha ufududeeyo shaqada loo igmaday waana kala siindoonaa wixii talo ah oo dhanka khibradayda ah insha alaah ”

Wasiirka Cusub Maamulka W/Maaliyadda DPL, Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa uga mahad celiyey Saynab Habkii iyo Maamuuskii ay ugu soo dhaweysay Xafiiska xilkana ugu wareejisay.

“Wasiir Saynab Ugaas yaasiin aad baan uga mahad celinaayaa sida wanaag san ee ay Xafiiska iigu soo dhowaysay waana Masuuliyiinta fara kuturiska ah ee khibarada u leh Dowladda Puntland gaar ahaan Dhaqaalaha iyo Maaliyadda talooyonkeeda waan qadan doonaa”.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland