07F99107-484A-4154-90FE-C9258FD03F3F.jpg

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland ahna sii-haya xilka Wasiirka Maaliyadda Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ujeedada socdaalka Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa qayb ka ah kormeer ku aadan shaqada iyo sidii shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda loogu Wacyigalin lahaa in ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan wax soo saarka dhinaca Dakhliga.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa ayaa booqaday xarunta Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Boosaaso, waxana uu kulan la qaatay Maamulaha Cashuuraha Berriga Cabdiqaadir Liibaan Cismaan iyo Maamule kuxigeenka Cashuuraha Cabdikariim Maxamed Bangax.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa Madaxda Cashuuraha kala hadlay sidii dadaal dheeri ah loogu samayn lahaa Cashuuraha Berriga, iyadoona mas’uuliyiinta Cashuuruhuna ay ballanqaadeen sameynta dadaal dheeri ah.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Eng. Cumar Xasan Fiqi mudada uu ku sugan yahay Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu booqan doono goobaha dakhliga gobolka Bari.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland