FF8280BE-F9D7-4912-94F0-FBD37DA74DBD.jpg

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Boosaaso[Sawirro]

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Eng. Cumar Xasan Fiqi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Eng. Cumar Xasan Fiqi, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ayaa booqashadan shaqo ee Boosaaso waxaa ku weheliyay Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Abshir Maxamed Abshir iyo mas’uuliyiin kale.

Booqashada magaalada Boosaaso ayaa qayb ka ahayd si ay ugu kuurgalaan hawlaha shaqo iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dardargalinta Dakhliga ee ka socda magaalada ganacsiga ee Boosaaso.

Wafdigan ayaa kulan is xog waraysi ah la qaatay Shaqaalaha furdadda Boosaaso si ay isku bartaan Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo Madaxwaynaha Dawlada Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni uusoo magacaabay dhawaan.

Agaasime Guud kuxigeenka Dakhliga Abshir Maxamed Abshir ayaa ku wargaliyay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda in xooga la saari doono sidii loo xoojin lahaa dakhliga furdada iyo Cashuuraha berriga sidoo kale waxaanu uu la wadaagay in uu gacanta ku hayo qorshe hawleed dhamaystiran oo ku aadan kicinta Dakhliga Guud ee Dawladda Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland