IMG_2248.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Iyo Wafti uu hoggaaminayo oo kormeer ku Tagay Kastamka CashuurahaTukaraq ee gobolka Sool[Sawirro]

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ay weheliyaan Xoghaya guud ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Jowle iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka cashuuraha Tukaraq ee gobolka Sool.

Wasiir kuxigeenka iyo Waftigiisa ayaa waxaa deegaanka kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta Kastamka iyo bulshada ku dhaqan deegaanka Tukaraq.

Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa mas’uuliyiinta Kastamka ka dhageystay warbixin ku aadan qaabka ay u socoto shaqadu.

Wasiir Kuixgeenka Maaliyadda Puntland iyo Waftigiisa ayaa booqday qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha weyn ee Wasaaradda Maaliyadda ka dhisayso Kastamkaas,kaasoo xilligan maraya heer gabagabo ah isla markaana dhawaan la filayo in xariga laga jaro.

Xisaabiyaha guud ee gobolka Sool Eng.Cabdisamad Kayse Daahir oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo Wasiir kuxigeenka iyo waftiga uu hoggaaminayo.

….”Wasiir farxad bay noo tahay inaad noo timaado adiga iyo weftigaagu.sifican ayey shaqadu u socota. dhismahana waa mashruucii ugu weynaa Puntland ay ka fuliso Gobolka Sool.” Ayuu yiri Eng. Cabdisamad Keyse Daahir.

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Jaamac Jowle ayaa isna goobta ka hadlay,wuxuuna sheegay in socdaalkooda uu salka ku hayo u kuurgelida sida uu u shaqeeyo Kastamka oo dhaqaalaha Puntland qeyb kamid ah kasoo xaroodo.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay in dhawaan lasoo gabagabeyn doono dhismaha casriga ah ee loo dhisayo Kastamka cashuuraha ee Tukaraq ee gobolka Sool,wuxuuna kula dardaarmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha inay si daacad ah ugu shaqeeyaan dalkooda.

Waaxda Wacyigelinta iyo Saxaafadda

Wasaaradda Maaliyadda Puntland.