F262C837-D05F-41EE-A04C-2686D50364A8.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo booqday Xerada Ciidanka Xorgoble ee Qardho(Sawirro)

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa booqday Xerada Ciidamada Puntland Xorgoble ee degmada Qardho.

Wasiir kuxigeenka ayaa hawlo shaqo oo ku aadan Wasaaradda Maaliyadda mudooyinkii u dambeeyay u joogay magalaada Boosaaso,maantana soo gaaray Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Cumar Xasan Fiqi,Wasiir kuxigeenka Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta booqday Xerada Ciidamada Xorgoble oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka socdeen dayactir iyo dhismayaal laga fulinayay.

Xerada Ciidamada Xorgoble ayaa Dawladda Puntland dadaal ugu jirtaa in dhowaan la geeyo Ciidamada Daraawiishta si halkaasi tababar ugu qaataan loona hubiyo tayada Ciidamada Dawladda Puntland.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland booqashada Xerada Ciidamada Xorgoble,waxaa ku weheliyay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Karkaar iyo mas’uuliyiin kale.

Cumar Xasan Fiqi ayaa sheegay dayactirka Xerada Ciidamada Xorgoble in ay horseedi doonto dhismaha Ciidamo tayo leh waana ballan qaadyadii Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni.

Dhanka kale Wasiirka ayaa Bulshada reer Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuurta ku waajibtay si Dawladduna waxqabad u samayso.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland