Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo dhagax dhigay xarunta Maaliyadda ee Buurtinle(Sawirro)

BUURTINLE – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo ay weheliyaan Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane iyo ku-xigeenka duqa degmada Buurtinle ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Maaliyadda degmada Buurtinle iyo kastamka cusub ee degmada.

Ugu horayn Xisaabiyaha gobalka Nugaal Mukhtaar Cabdi Faarax ayaa wasiirka uga mahadceliyey dhagax dhiga xarunta Wasaaradda ee degmada iyo kastamka cusub, wuxuuna sheegay in Buurtinle laf-dhabar u tahay gobalka Nugaal, xaruntan cusubna ay wax badan ka beddeli doonto habsami u socodka shaqada Wasaaradda ee degmada Buurtinle.

Kuxigeenka duqa degmada Buurtinle ayaa isaguna ku amaanay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland dadaalka xooggan ee ay kawado degmada Buurtinle, wuxuuna tilmaanay in xaruntan cusub ay faa’ido weyn kusoo kordhin doonto degmada.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame ayaa sheegay in xaruntan cusub sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi doono, dhagax dhigeeduna uu qayb ka yahay dadaalada lagu tayeynaayo xarumaha Maaliyadda Puntland haddii ay ahaan lahaayeen xarumaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiyada.

Waftiga ayaa socod kormeera ku maray bartamaha degmada Buurtinle.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaradda Maaliyadda
Dowlada Puntland