97BD9281-397E-417A-8FE0-447213FD44CA.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo gaaray magaaladda Qardho[Sawirro]

QARDHO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna siihayaha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda waxaa degmada Qardho kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda qaybta gobolka Karkaar.

Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa booqaday Garoonka Diyaaradaha degmada Qardho Eng Abshir Muuse xilli ay halkaasi ka socdeeen shaqo maalmeedkii dhanka duulimaadka Garoonka.

Wasiirku intii uu ku sugnaa Garoonka waxa uu wax ka ogaaday habsami usocodka qaadista Cashuuraha iyo sida ay u shaqaynayaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Karkaar.

Yaasiin Cabdi Boos oo ah Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Karkaar ayaa Wasiirka xog dheeraad ah la wadaagay kuna aadan shaqada iyo halka ay marayaan taaba galinta Cashuuraha Berriga.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda kula dardaarmay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan dhanka dakhliga si Dawladduna u gudato waajibaadkii shaqo ee loo idmadey.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland