JKORSSTTUURRSR

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Ganacsatada Spare Parts Maanta kulan la qaatay(Sawirro)

JKORSSTTUURRSR

Magaaladda Boosaaso ayaa maanta kulan ballaaran oo ay ku yeesheen Wasaarada Maaliyada Puntland iyo qaar kamid ah ganacsatada Spare Parts isku afgarteen in khidmad Cashuureed laga qaado macaamiisha wax ka iibsaneysa.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo qaar kamid ah Saraakiisha Cashuuraha beriga Wasaarada ayaa kulankaas qodobadii looga hadlay isku afgarteen dhaqangelintiisa.

Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo kulanka ka dib Saxaafada hadal siiyey ayaa sheegay in ay isla afgarteen ganacsatada Spare Parts ee qalabka gaadiidka ay khidmad yar oo boqolkiiba Saddex saaraan macaamiisha.

84Wuxuu sheegay in muddooyinkii danbe dardar gelin ku wadeen qaadista Cashuuraha isla markaana si weyn looga soo hirgeliyey caasimada Puntland ee Garoowe.

Dhanka kale Taliyaha Laanta ilaalinta Cashuuraha Turubataariyada gobolka Bari G/sare Ibraahim Maxamed Cabdikariin ayaa baaq u diray ganacsatada Puntland .

G/sare Ibraahim Maxamed Cabdikariin ayaa sheegay cidii fulin weyda ay muteysan doonto ganaax iyo xarig isla markaana laga doonayo in si weyn loo dardargeliyo Cashuurta.

Si kastaba Wasaarada Maaliyadda Puntland ayaa muddooyinkii u danbeysay dardar xoogan ku waday qaadista Cashuurta taasoo si weyn wax loogu qabanayo shacabka Puntland.

Waaxda Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda PL