247E86C6-4F01-408B-94EE-FB8E1FFD31EE.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka hadlay Doonyo degay oo ay lahaayeen Ganacsato Puntland ah[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Eng Cumar Xasan Fiqi oo la hadalay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maaliyadda ayaa ka hadlay doonyo degay oo shixnad uwaday ganacsatada reer Puntland.

Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ahna siihayaha xilka Wasiirka ayaa sheegay in Dawladda Puntland muragada la wadaagayso Ganacsatada reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed dhowaan doonyuhu ka dageen.

….”Anoo ku hadlaaya magaca Wasaaradda Maaliyadda iyo kan Madaxda sare ee Dawladda Puntland waxaan murugada la wadaagaynaa Ganacsatada dhowaan hantidii ku waayay bada ayuu yiri Wasiir Fiqi” ayuu yiri

Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa ganacsatada ugu duceeyay in ilaahay samir iyo iimaan kan siiyo hantidooda.

“Ganacsatada reer Puntland iyo kuwa Soomaaliya waxaan ilaahay ugu baryaynaa in uu badal khayr qaba uu siiyo saburba ay sameeyaa..” ayuu yiri Wasiirku”

Doonyahan ayaa ka soo ambabaxay UAE waxana mid kamid ah ku degay Badda KHURFAKAAN oo ka tirasan isutaga imaaraadka,

Doonida labaad ayaa ku degtay KUURIYA MOOYA oo ah biyaha Camaan dhamaana lagu waayay hantidii saarnayd oo u badnaa Gaadiid sida uu xog ku helay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland