Axmed Yaasiin Saalax

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka hadlay Tayeynta Cashuuraha iyo qorshaha sanadka cusub

Axmed Yaasiin Saalax
Axmed Yaasiin Saalax

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo safar shaqo ku soo maray qaar ka mid ah goboladda Puntland ayaa maanta waxaa uu kormeeray xarumaha dakhliga ee ku yaal magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Bosaso.

Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddu ay sanadkan sii dhammaanaya ay Nidaamyo cusub oo casri oo la xiriira qaadista cashuuraha iyo u fududaynta nidaamka cashuuraha ee ganacsatada ay soo kordhisay.

….””Dakhliga wax badan baanu ku soo kordhinay, qaabkii hore ee gacanta wax laga qaban jiray oo laga guuray oo loo guuray nidaam cusub oo casri oo komputaraysid ah, kaasi oo ganacsatada u fududeeyay qaabka cashuur bixinta, qofka iyo cashuurta lagu leeyahayba nidaamkan cusub ayaa la galiyay oo ku jiraan” ayuu yiri wasiir ku xigeenku

Dhinaca kale, Wasiir kuxigeenku wuxuu kaloo ka hadlay amni darida ku soo korodhay caasimadda ganacsiga ee Bosas, wuxuuna sheegay in amniga, xasiloonida iyo horumarka dalku uu isku xiran yahay, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada iyo dadweynaha reer Bosaso inay cidii ay ka shakiyaan ay u gudbiyaan iciidamadda amniga Puntland.

…”””Waa in loo warhayaa qofka amni darada ku soo kordhinaya suuqyadda iyo goobaha ganacsiga, oo ganacsatadu ay iska kaashaadaan sidii ay u ogaan lahaayeen qofka aan la aqoon ee ay ka shakiyaan ay warkiisa u gudbiyaan laamaha amniga” ayuu yiri

Wuxuu boggaadiyay oo u mahadceliyay dadweynaha ku nool xaafadaha bosaso oo uu sheegay in abaabul xoogan galeen oo isxilqaameen,lana shaqeeyeen ciidamadda amniga ka dib markii la dilay saddexdii sarkaa ee dowladda Puntland.

…””Inta aan ku baraarugsanaynd, ku baraaruga wadanku waa wadankiinii, dhibka ka dhaca waa mid idin saamaynaya, oo dib idinku soo noqonaya” ayuu yiri

Gabagabadii, Wasiir kuxigeenku wuxuu sheegay in sanadkan cusub 2017ka ay wasaaradu ay barnaamijyo badan oo horumar ah ay samayn doono, kuwasoo uu sheegay inay soo bandhigi doonaan.

Waaxda Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com