1F230F00-0C81-464E-A9B3-7919DE877A4A.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalagay Shirka Madasha Dhaqaalaha dalka[Sawirro]

MUQDISHO –  Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qaybgalay shirka madasha dhaqaalaha dalka oo ka dhacay Muqdisho.

Shirkan ayaa ah kii sadexaad oo noociisa ah waxaana hogaaminayay Dr Cali Ciise Cabdi oo ah khabiir dhinaca dhaqaalaha ah.

Madasha waxaa ka soo qaybgalay Madaxda Dawladda Federalka iyo madaxda Dawladdaha Xubnaha ka ah Dawladda Federalka.

Shirkan ayaa lagu falan qeeyay qodaba ay ka mid yihiin: 

  1. Sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha dalka.
  2. Sidii loomidayn lahaa dakhliga dalka.
  3. Sidii loo qaybsan lahaa khayrad la dalka.

Dawladda Puntland waxaa uga qayb galay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo wafti uu hoggaaminayo. 


Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland