4C1C1749-4BDF-4BDC-B718-91F899EBF5C4.jpg

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Xaflad ay xilka kula wareegayeen Madaxda cusub ee Airporka Boosaaso[Sawirro]

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kaga qaybgalay xaflad xilka ay kula kala wareegayeen Maareeyahii hore Bashiir Muuse iyo Maareeyaha cusub Axmed Maxamuud Yuusuf.

Xaflada xil wareejinta ayaa ka dhacday Garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxana kasoo qaybgalay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda, Wasiir dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Gudoomiyaha gobolka Bari,Duqa degmada Boosaaso,Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari,Taliyaha garoonka iyo mas’uuliyiin kale.

Maareeyihii hore garoonka Boosaaso Bashiir Muuse ayaa sheegay in ay kusoo shaqeeyeen duurfo adag isla markaana uu xilka ku wareejiyay Maareeyaha cusub.

Maareeyaha cusub ee Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ballanqaaday in ay horseedi doonaan horumaro kala duwan oo ku aadan Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Xafladu mudadii ay socotay waxaa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Puntland, waxana ay madaxda cusub kula dardaarmeen in ay wadashaqeeyaan kana shaqeeyaan horumarka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa u hambalyeeyay madax cusub, waxana uu la hadlay bulshada reer Puntland in ay Cashuurta bixiyaan si horumar loo gaaro.

Ugu dambayn Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan ayaa sheegay in uu madaxda cusub u rajeeynayo shaqo wanaag una mahadceliyay madaxdii hore ee Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland