Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Mashaariicda Bangiga Adduunku ka wado dalka(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudand Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa aaladda fogaan araga kaga qeyb galay shir looga hadlay mashaariicda Bangiga adduunku ka wado dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga hadlay mashaariicda socda iyo qaabeynta iyo qorsheynta mashaariic cusub oo laga fuliyo gudaha dalka.

Waxaa la filayaa in Shirkan uu socon doono mudada u dhaxeyaa 20-ka bishan illaa 30-ka bisha, wuxuuna u dhaxeeya Bangiga adduunka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Puntland waxaa uga qeyb galay, Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Cayaaraha, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah, Madaxtooyadda Puntland iyo saraakiil ka shaqeynaysay Mashaariicda PFM-DRM iyo CIP.

Dhanka Dowladda Puntland waxa u hadlay Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi.

Shirka ayaa muhiimadiisu tahay in Wasaaradaha Maaliyadda dalka ay mid kasta ka hadasho shaqooyinka u qabsoomay, qorshaha shaqo ee mustaqbalka isla markaana la qorsheeyo mashaariic cusub taasoo lagu wado in ay dalka ka bilaabato sannadka 2022-ka.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland