D463121E-58DC-4ED6-B726-F1A92AD8826D.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka qeybgalay Cayaar lagu soo dhaweynayay koox ka socotay Jaaliyadda Australia[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland ahna ku simaha Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qeybgalay cayaar kubadeed oo ka dhacday Gaalkacyo.

Cayaartan oo ahayd mid aad u xiisa badnayd ayaa dhexmartay koox ka socotay Jaaliyadda Australia iyo kooxda Hambaboro FC taasoo gabagabdii kusoo idlaatay barbar dhac 0-0.

Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa kala qaybgalay cayaartoyda iyo dadweynihii usoo daawasho tagay cayaarta taasoo ahayd mid si weyn ay ugu soo daawasho tageen dadka deegaanka.. 

Madax Tartamada Xiriirka Kubadda Cagta Puntland Mustafe Majacase oo ka hadlay muhiimada cayaartan ayaa sheegay inay mid ku aadan Isdhexgalka labada dhinac waa Jaaliyadda Australia ee Melbourne iyo Puntland.

Waxa uu sheegay in cayaarahan ay muhiimada laga leeyahay ay tahay sidii Is-dhexgal loogu sameyn lahaa labada dhinac waa Jaaliyadda iyo Puntland.

Mustafe Majacase ayaa sheegay in kooxdan ay sidoo kale weheliyaan koox dhakhaatiir ah ,kuwaas oo adeegyo caafimaad u fidinaya bulshadda Puntland.

Sidoo kale waxa uu xusay in kooxda ay weheliyaan koox kale oo dhakhaatiir caafimaad ah kuwaas oo adeegayo caafimaad ka fuliyay deegaanadii ay tageen dad badana ay si wanaagsan uga faa’ideysteen.

Si kastaba kooxdan ka socotay Jaaliyadda Australia ee Melbourne ay casuntay Wasaaradda Cayaaraha iyo dhalinyarada halka Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni uu aqbalay si weyna loogu soo dhaweeyay Puntland.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland