Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagay Jaamacadda Bariga Afrika Bosaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntlnd Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo xubno ka tirsan Wasaaradda ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Jaamacadda Bariga Afrika madaxda sare ee Jaamacadda ee magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.

Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan kula qaatay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika madaxda sare ee Jaamacadda Bariga Afrika.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa kormeer dabagal ah oo ku aadan sida ay u socdaan casharada Barnaamijka Bangiga adduunka ee ay siiyaan ardeyda barata Barnaamijk Xisaabaadka.

Wasiirka iyo madaxda sare ee Jaamacadda ayaa kawada hadlay sidii loo horumarin lahaa lana sameyn lahaa xarun mustaqbalka lagu tababaro ardeyda Barnaamijkan baranaysa.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland