IMG_5979.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tagay xarunta cusub Wasaaradda Garoowe(Sawirro)

GAROOWE: Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda uga socda magaalada Garowe, Waxaana ku wehliyay kormeerkiisa Wasiir Cabdisalaan Masuuliyiin ay ka mid yihiin Xoghayaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Jaamac Xasan (Jawle) iyo Eng Cabdiraxmaan Salaad oo ah injineerka dhisaya xarunta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku yeelanayso buurta ay ka dhisan yihiin xarumaha Wasaaradaha Dowlada Puntland.

Axmed Jaamac Jawle iyo Injineer Cabdiraxmaan ayaa warbixin ka siiyay Wasiir Cabdisalaan Bashiir meesha ay mareyso dhismaha xarunta Wasaarada Maaliyadda Puntland dhawaan ku yeelanayso magaalada Garowe, Waxayna sheegeen meel gabo gabo ah ay hadda mareyso Islamarkaana masuuliyiinta wasaaraddu dadaal badan ku bixiyeen dhismaha xaruntaan.

Injineer Cabdiraxmaan Salaad ayaa sheegay in dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda uga socda magaalada Garowe uu yahay mid casriya Islamarkaana shaqadiisa dhawaan la dhamaystiri doono.

Ugu dambeyntii Wasiir Cabdisalaan Bashiir ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kormeerka uu ku samaynayo dhismaha Wasaaraddu yeelanayso, Wuxuuna uga mahadceliyay masuuliyiintii kazoo shaqeysay dadaalkan oo hadda maraya meel gabo gabo ah.

Maxamuud Cabdisalaan Xasan Ducale
Madaxa Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Xafiiska Garoowe