Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagey Xafiisyadda Maaliyadda ee gobolka Mudug(Sawirro)

GAALKACYO- Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame” Qawdhan” ayaa booqday xafiisyadda Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka oo uu weheliyo ku-simaha Agaasimaha Guud Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa booqday xarunta dhaxe, goobaha dakhliga ee gobolka Mudug oo ay warbixino kaga dhegaysteen mas’uuliyiinta kala duwan ee gobolka.

Ku-simaha Agaasimaha Guud Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa sheegay in ujeedada waftigaani ay tahay sidii loogu kuur gali lahaa howlaha ka socda xafiisyada Wasaaradda ee gobolka Mudug, korna loogu qaadi lahaa dakhliga dowladda iyo hufnaanta hab-maamulka maaliyadda gobolka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada qorshayaal rasmi ah oo kor loogu qaadayo dakhli uruurinta, horumarinta Xafiisyadda cashuuraha si kor loogu qaado tayadooda isla markaasna ay ugu adeeggaan bulshadda hab waafaqsan nidaamka dawliga ah.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland