3CC79535-D1D2-40C1-85AD-7F61E4717BE5.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekeda Boosaaso[Sawirro]

BOOAASO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi oo ay weheliyaan Maamulaha iyo Maamule ku xigeenka Furdooyinka ayaa kormeer shaqo ku tegay Dekeda Boosaaso xili ay halkaasi ka socdeen dajinta badeecooyinka ay wadaan doonyaha iyo maraakiibtu.

Eng. Cumar Xasan Fiqi Wasiirku Xigeenka Maaliyadda ahna sii-haya xilka Wasiirka intii uu kugu guda jiray kormeerkan shaqo waxa xog dheeraad ah wasiirka la wadaagay Maamulaha Furdooyonka Maxamed Yuusuf Maxamuud.

Kormeerkan ayaa ahaa xog ogaanshaha shaqada iyo dardargalinteeda,waxana Wasiirku Maamulka iyo shaqaalaha la wadaagay tusaalooyin kala duwan oo ku aadan horusocodka shaqada.

Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi,Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay Boosaaso u joogay hawlaha shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland