Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Suuqyada Bosaso( Sawirro)

BOOSAASO – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay waheliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada Boosaaso iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay maanta kormeer ku tageen suuqyada magaalada Boosaaso.

Ujeedka socdaalka ayaa salka ku hayay u kuur-gelidda qaabka ay u socto lacagta shilling Soomaaliga ee suuqayada magalada Boosaaso, waxayna mas’uuliyiinta booqdeen xarun loo asteeyay in shacabka magalada Boosaaso ay ka sariftaan lacagta shilling Soomaaliga ah.

Bulshada magaalada Boosaaso ayaa soo dhoweyey xarunta loogu talagalay inay ka sariftaan lacagta Shilling Soomaaliga.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame”Qawdhan” ayaa bulshada ku ammaanay sida ay u fuliyeen go’aamadii dowladda ee qaadashada shilling Soomaaliga.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland