Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey degmooyinka Galdogob,Buursalax, Xarfo(Sawirro)

GALDOGOB – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame” Qawdhan” iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safar Shaqo ku tagey degmooyinka Galdogob, Buursalax, Xarfo iyo deegaamo kale.

Wasiir Kuxigeenka ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmooyinkaas, amniga iyo Saraakisha goobaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Mudane Cabdi Ibraahim Warsame” Qawdhan” Waxa kormeerkiisa shaqo ku weheliyay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyaddda gobolka Mudug, Agaasime Kuxigeenka Cashuuraha Berriga ,Maamulaha Cashuuraha Berriga iyo mas’uuliyiin kale.

Mudadii uu Kormarkas shaqo socday waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta, uruurinta dakhliga iyo ka hortagga badeecadaha kusoo gala sifo sharci daradda ah, xoojinta wada shaqaynta goobaha Dakhliga ee degmooyinka iyo deegaanada hoostaga ee ay ku yaalaan xarumaha Wasaaradda Maaliyadda.

Kormeerkan shaqo ayaa kusoo idlaaday guul iyadoo wax badan laga ogaaday dhammaan xaaladda deegaanadaas isla markaasna laga soo saaray awaamiir kor loogu qaadayo dardar-galinta dakhliga guud ahaan gobolka Mudug.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland