Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland Mudane, Cumar Xasan Fiqi, ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ay hoggaaminayso madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson.

Kristina Svensson ujeedada socdaalkeeda ayaa ahaa sidii ay wax badan uga ogaan laheyd shaqooyinka ka socda Puntland gaar ahaan mashaariicda Bangiga adduunku ka Fuliyo Puntland.

Wafdiga, ayaa sidoo kale booqdey Bangiga Dowladda Puntland iyo Hantidhowrka oo ay warbixino ka dhageysteen masuuliyiinta ay kula kulmeen xarumahan.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland iyo wafdiga Bangiga Adduunka ayaa kormeerkooda kaddib shir ku yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe, iyaga oo ku gorfeeyey mashaariicda socda iyo meelaha ay shaqadu mareyso.

Wasiir Cumar Xasan Fiqi, ayaa wuxuu sheegay in ay si qotodheer uga wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa xiriirka shaqo ee Puntland iyo Bangiga Adduunka.

Ugu dambeyntii, Kristina Svensson ayaa dhankeeda boggaadisay shaqada ka socota Puntland, waxeyna si gaar ah u xustey hirgelinta Barnaamijyada habka maareynta Xogta Maaliyadda ee FMIS-ka, oo uu maalgeliyo Mashruuca PFM-DRPM Project, sidoo kale waxay bogaadisay shaqada ka socto mashaariicdkale RCRF , CIP, SURPII iyo Biyoole iyo sidoo kale dib u habeynta dhaqaalaha.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland