Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Maaliyadda ee gobolka Mudug(Sawirro)

GAALKACYO – Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaraadda Maaliyadda gobolka Mudug, Kulanka ayaa ahaa mid lagu dar-dargelinayo shaqada.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay waxa ka mid ahaa Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda gobolka Mudug, Kuxigeenka Agaasimaha Canshuuraha Berriga, Maamulayaasha Cashuuraha Berriga Iyo Kastamka, Madaxa Faracyada goobaha Dakhliga iyo Saraakiil ka tirsan Laanta Ilaalada Cashuuraha gobolka Mudug.

Mudadii uu kulanka socday , waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Iyo Dardargelinta Dakhliga gobolka Mudug iyo adkeynta Wada shaqeynta ka dhaxeyaa Hay’adaha Maaliyadeeda ee gobolka Mudug.

Dhinaca kale Wasiirku, wuxuu tababar uu furay Shaqaalaha goobaha Dakhliga Wasaradda Maaliyadda, tababarkaas oo lagu baranayo casharada soo socoda :

01. Kaydinta Documentiyada.
02. Soo xeraynta dakhliga.
03. Habka u adeegida bulshada.
Iyo casharo kale oo ku aadan cashuuraha.

Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaqaalaha kula dar-daarmay in ay ka faa’idaystaan Tababarka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland