Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Wafti ka socday Hay’adda UNICEF(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cumar Hasan Fiqi oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda UNICEF.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in Hay’adda UNICEF wax ka ogaadaan nidaamka Maaliyadda ee Dowladda Puntland iyo xoojinta wada shaqaynta Hay’adda UNICEF iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Saraakiisha ka socday Hay’adda UNICEF ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyiinta Wasaaradda shaqooyinka wanaagsan ee laga qabtay hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland