img_4113

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kulan Sagootin ah u sameeyey Ergadii ka qeybashay doorashada Aqalka hoose+Sawirro

img_4113Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland ayaa kulan Qado ah u sameeyay qaar ka mid ah Ergooyinkii ka so qayb-galay Doorashada Aqalka hoose,kuwaaos oo ka socday Gobalka Bari ee Puntland.

Kullan oo ka dhacay Xarunta Hindo-raac ee Duleedka Magaalada Garowe,waxaa ka so qayb galaya Siyaasin,Waxgarad,Aqooyahan,Nabadoono ka socday Deeganadda Puntland oo idil,iyagoona wasiirka uga mahaceliyay Khadasharaftan u sameeyay.

Sidoo kale,Wasiirka ku xigeenka Maaliyada Puntland ayaa Kulankan ugu inta uu socday ugu Habalyeeyay Cumar Ismaaciil Waaberi iyo C/laahi Bile Nuur oo guulaystay Labadda Kurse ee Besha Dashiishe ee Degata Gollada Puntland.

img_4148Nabadoonada iyo Qaar ka mid ah Siyaasiinta ka qayb galay kullan-kan ayaa sheegay in doorashadii ay ku so baxeen Cumar Ismaaciil Waaberi iyo C/laahi Bile Nuur ay ahayd mid u dhacda si Xor iyo Xalaal ah.

Dhinaca kale, Ergooyinkii Doortay Cumar Ismaaciil Waaberi iyo C/laahi Bile Nuur oo kamid ah Xubanaha Cusub ee Baarlmaanka soomaaliya ayaa ka codsaday in Codkooda ay siiyan Madaxweyne Daacad ah oo dalka iyo dadka’ba badbaadin kara,iyagoona intaas kadibna u Mahadcleiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda Maaliyada Puntland Axmed Yaasin ee Khasharafta u qabtey Ergooyinkan ka socday Gobalka Bari.

Ugu Danbaytii Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda Maaliyada Puntland Axmed Yaasin Saalax ayaa sheegay in Kullankan u jeedkiisu ahaa iscafiyo,isku ducayn iyo in Xilalak ay qabteen lagu Hambalyeeyo Cumar Ismaaciil Waaberi iyo C/laahi Bile Nuur oo guulaystay Labadda Kurse ee Besha Dashiishe ee degta Gollada Puntland.

img_4072 img_4074 img_4075 img_4076 img_4077 img_4079 img_4080 img_4083 img_4092 img_4095 img_4096 img_4097 img_4098 img_4102 img_4113 img_4114 img_4120 img_4121 img_4122 img_4127 img_4129 img_4130 img_4131 img_4134 img_4135 img_4136 img_4138 img_4139 img_4141 img_4145 img_4146 img_4147 img_4148 img_4150 img_4151 img_4152

Maxamuud Cabdisalaan
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda
Garoowe