6C886035-E4E8-4F58-98FD-D2A493E5590D.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Maamulka gobolka Bari kala hadlay dardargelinta Cashuuraha gobolka[Sawirro]

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Eng. Cumar Xasan Fiqi

BOOSAASO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna sii-haya xilka Wasiirka Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Barri kan degmada Boosaaso iyo Taliska qaybta Booliska gobolka Bari.

Kulankan ayaa ahaa mid uu soo qabanqaabiyay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda, waxaana kala qaybgalay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan,Wasiirka Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan, Wasiiru dawlaha Arimaha Gudaha Maxamed Axmed kulan, Gudoomiyaha gobolkq Bari Yusuf Maxamed Wacays, Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaam,Taliyaha qaybta Booliska Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee gobalka Bari Axmed Cali Cirro iyo Guddoomiyaha 2aad Axmed Xaaji.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa mas’uuliyiinta Dawladda kala hadlay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen kicinta Cashuuraha Berriga ee gobolka Bari.

Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa Maamulka gobolka iyo kan degmada usoo jeediyay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen qaadista Cashuurta ay ka mid yihiin Cashuurta guryaha, maxkamadaha, Gaadiidka iyo Cashuurta Mashaariicda.

Kulankaas ayaa Taliska qaybta loo soo jeediyay in ay garab istaagaan Ciidamadda Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ayaa madaxda Wasaaraddaha, Dekedaha iyo Duulista hawada iyo Garoomada u soo jeediyay sidii ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxda Laamaha aminga ayaa Wasiirka u soo bandhigay in laamaha Amniga laga caawiyo baahiyaha ay qabaan si loo sameeyo dakhli abuur taasoo Wasiir kuxigeenkuna uu ballanqaaday.

Kulankaan ay wada yeesheen Wasiir kuxigeenka Maaliyadda, Xubnaha Gollaha Wasiiradda, Maamulka gobalka Bari, kan degmada Boosaaso iyo Taliska qaybta ayaa qaatay saacado badan ugu dambayna laysla meel dhigay kor u qaadida Dakhliga.

Mudne Eng. Cumar Xasan Fiqi Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ahna sii-haya xilka Wasiirka ayaa hawlo shaqo u jooga Boosaaso,waxaana uu dadaal dheeraad ah ugu jiraa sidii loo heli lahaa Dakhligii dalka lagu maamuli lahaa.

Ugu dambeyb kulankan ay wadaqaateen madaxda Dawladda Puntland ayaa lagu qabtay Hotel Gacayte oo ku yaala Boosaaso iyadoona kulan kale loo ballamay in la isugu yimaado.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland