DSC02392

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Muqdisho Uga Qeybgalaya Shir Wadashaqeyn ah [Sawirro]

DSC02392MUQDISHO – Wafdi uu hoggaaminayey Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay shir ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarada Maaliyadda ee DFS Soomaaliya.

Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa uga qeybgalay shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ,waxaana shirkan diirada lagu saari doona sidii loo wada shaqayn lahaa, laysuna dhaafsan lahaa xogaha ku aadan arrimaha maaliyadda dalka.

Wasiir kuxigeenka Maaliyada Puntland Axmed Yaasiin ayaa sheegay shirka inta uu socdo inay dhankooda kusoo bandhigi doonaan horumarka wasaraddaMaaliyaddu samaysay iyo nidaamka ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Fageeti oo furitaankii shirka khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in kulankaan kii ka horeeyey uu ka dhacay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, shirkaan maantana uu yahay mid is xog waraysi ah.

Waxaan aad ugu mahad celinayaa wasiirada Maamul Goboleedyada oo soo ajiibay martiqaadka Dowladda, ujeedaduna ay tahay in aan muujino waajibka inaga wada saaran shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inta uu soconayo shirkaan in laga doodi doono qaabka ugu haboon ee loo wanaajin karo hanaanka maaliyadda dalka, iyadoona Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudne Fargeeti uu tilmaamay inuu rajo weyn ka qabo inay shirka ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah.

Maanta waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay, una soo dhaweynyaa kulankaan oo aan filayo waxbadan inaan uga doodi doono ayna ka soo bixi doonaan go,aanno wax ku ool ah. Ka Dowlad ahaan waxaa mar walba naga go,an inaan gacan ka geysano horumarka bulshada Soomaaliyeed” ayuu

Wasiiradda ka socday maamul goboleedyadda ayaa dhamaantood soo dhaweeyey shirkaan, kuna tilmaamay inuu wax weyn ka tari doono sidii laysaga kaashan lahaa dajinta miisaaniyadaha, isku xirka canshuuraha dalka iyo ka fa’iidaysiga mashruuca Maamulka Maareynta Maaliyadda (PFM) oo hada ka hirgalay gobolada qaar, iyo sidii loo gaarsiin lahaa goboladda dhiman.

Warbaahinta Wasaarada
Maaliyadda Puntland