Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo shir la qaatay madaxda Bangiga Adduunka(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cumar Fiqi ayaa aaladda fogaan aragga ugu qabtay shir dib eegis loogu sameeynayay mashaariicda sannadkan ay la wadaan Bangiga Adduunka Dowladda Puntland gaar ahaana mashruuca PFM iyo DRM.

Shirkan oo socon doona muddo saddex casho ah ayaa waxaa ka qaybgalay madaxda Soomaaliya iyo Puntland u qaabilsan Bangiga Adduunka iyo kooxdooda shaqo , halka dhanka Puntland ay qayb ka ahaayeen Hanti-dhowrka guud, Xisaabaadka, kusimaha Agaasimaha guud ee Maaliyadda, Agaasime kuxigeenka dakhliga , La-taliyayaasha iyo shaqaalaha.

Mudane Eng. Cumar Fiqi oo kulanka shir guddoominayay ayaa kaddib uga warbixiyay Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda arrimaha looga hadlay shirka uu furay.

Waxa uu sheegay in looga hadlay dib u eegis lagu sameynayo sannadkan dhexdiisa mashaariicda Bangiga adduunka ay la wadaan Dowladda Puntland , gaara ahaana mashruuca PFM iyo DRM taasoo ah in Puntland ka caawiyaan Reform dhinaca dhaqaalaha iyo kor u qaadista dakhli aruurinta.

“ Mashruucan waa mid socday in muddo ah, marka maanta waxaa la fiirinayay shaqooyinka socda iyo kuwa qorsheysan , caqabadaha jira iyo sidii qorshe dheer loo sameyn lahaa” ayuu yiri

Ugu dambeyn, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Eng. Cumar Fiqi ayaa sheegay in shirka uu socon doono lana soo gabagabeyn doono maalinta Khamiista ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland