Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray ganacsatada Bosaso(Sawirro)

BOOSASO – Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaaladda Boosaaso tababar u socday ganacsatada , kaasoo socday 7-8 bishan, laguna baranayay adeegga SOMSAD.

Tababarkan gunaanadkiisa ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Abshir Maxamed Abshir, Maamulaha Furdada Boosaaso iyo howl wadeenadda Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Ganacsatada ayaa tababarkan mudadii uu socday waxay ka faa’ideen in ay isticmalaan adeegga SOMSAD oo meesha ka saaraya waraaqdii la qori jiray ee cadaynta badeecadaha, SOMSAD oo ah adeeg online ah oo ganacsatadu badeecadooda kusoo cadaynayaan iyaga oo galayaa mareegta SOMSAD ee https://puntland.somalicustoms.so.

Adeeggan ayaa sidoo kale kala saarayaa badeecaddaha isagoo isticmaalaya habka caalamiga ah ee HS code (HARMONIZED SYSTEM) oo ah hab caalami ah oo badeecaddaha dunida u kal saara. 

Xafladda xiritaanka waxaa ka hadlay Agaasimaha Kuxigeenka Guud ee Dakhliga ayaa u mahadcelyey kasoo qabgalayaasha Barnaamijkan iyo saxiibadda Wasaaradda Maaliyadda ka caawinayay dib u habaynta furdooyinka ee CRATES (@Customs Revenue And Trade Enhancement Somalia Project),

Sidoo kale Agaasimaha ayaa ku wargaliyey ganacsatadda in ay soo wici karaan lambarka gaaban ee cabashadda kaas oo xili walba ku gudbin kartid cabashadda goob walba oo joogta, lambarkaas oo ah 3111. 

Xafladda ayaa waxa soo xiray Wasiir Kuxigeenka anhna Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi oo kasoo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxaa ka mid ahaa hadalkiisa “ ganacsatooy dhaqaalihii wadankiina idinka gacanta ku haya dowlad aan ganacasateeeda aan la shaqayn oo iyagu horumarka hormuud ka ahyn meel micna leh ma gaardho”.

Xafladda ayaa kusoo dhammaatay jawi wanaagsan,ayadoo  si dhab ah loo bilaabi doono buuxinta foomka  online ka ee SOMSAD.

Xafiisaka Wacyigelinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda

Dawladda Puntland