A6376DDB-5DC6-4B6D-8DFD-46990EE7DC84.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray Xisaabiyaasha dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland[Sawirro]

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa Xisaabiyaasha Dawladaha hoose ee degmooyinka Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo usoo xiray tababar ay ku jireen muddo afar cisho ah.

Madaxda Dawladaha Hoose ayaa qaadanayay casharo la xiriira mideynta Madaxyo-xisaabeedyada ay adeegsato dowladda dhexe iyo dowladaha hoose.

Casharo kala duwan ee ay qaadanayeen mudadaasi ayaa waxa bixinnaayay macalimiin aqoon durugsan u leh mideynta Madaxyo-xisaabeedyada ay adeegsato dowladda dhexe iyo dowladaha hoose.

Xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland Cabdirisaaq Siciid Nuur oo soo qabanqaabiyay tababarkan ayaa halkaasi ka hadlay waxana uu yiri.

‘’ Ujeedada Barnaamijkan ayaa ahaa in Dawladda Puntland ay isticmaasho hal xisaab xir oo heer caalami ah sidoo kale waxa uu muhiim u yahay habka daah furnaanta iyo in shacabka Dawladaha hoose ee aad matashaan ay ogaadaan Cashuurta aad ka qaadaan iyo sida ay ku baxdo…’’ ayuu yiri Xisaabiyaha Guud

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa la dar daarmay Xisaabiyaasha afarta degmo,waxana uu yiri

“”Dawladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go’an in ay casriyayso habka isu gudbinta xisaabaadka waana mid guulweyn iyo horumar horseedi doonta adinkana waxaan rajaynayaa casharada aad qaadateen in aad dalka uga faa’ idaysaan” ayuu yiri.

Eng. Cumar Xasan Fiqi Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa u mahadceliyay macalimiinta iyo madaxdii soo qabanqaabisay.

Waxaa xusid mudan in Barnaamijka mideynta Madaxyo-xisaabeedyada lagu tijaabiyay Dawladda hoose ee Garoowe. degmooyinka kalena la filayo in dhowaan la soo afmeeri doono in laga hirgaliyo sida uu sheegay Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland.


Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland