Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray xubno ka kala socday Maamulada dalka Soomaaliya(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa manta magaalada Garoowe tababar ugu soo xiray mas’uuliyiinta ka socday Hanti-dhawrka gudaha ( Internal Audit) ee Wasaaradaha Maaliyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Ujeedka tababarka ayaa ah in ay bartaan sidii ay baaris ugu samayn lahaayeen dhammaan howlaha Wasaaradu qabato in loo maray shuruucda iyo habraacyada degsan ee daah-furnaanta ah.

Waxaa goob-joog ahaa xirtanka tababrka Madaxa mashruca PFM Cabdulqaadir Xaashi iyo Agaasimaha Waaxda tababarada iyo Qorsheynta Wasaaradda.

Hanti-Dhawrka Gudaha (Internal Audit) ee loo soo af-meeray tababarkan waxay ka socdeen Wasaaradaha Maaliyadda Puntland, Galmudug, Jubaland, Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle.

Madaxa Mashruuca PFM Cabdulqaadir Xaashi iyo Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Qorsheynta Cabdulqaadir Cali Ismaciil ayaa mas’uuliyiintan u rajeeyey in ay isbadal hormarin ah ku samayn doonnaan Wasaaraadihii ay ka yimaadeen.

Mudane Cumar Xasan Fiqi, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka hadlay xirtanka tababarkan, waxa uu Hanti-Dhawrka Gudaha ( Internal Aud) kula dar-daarmay in ay sameeyaan daah-furnaan ku aadan Xisaabaadka, iyo ku dhaqanka miisaaniyadda, aqoontii ay barateena ay uga faa’ideeyaan xarumaha ay ka yimadan.

Mas’uuliyiinta Hanti-Dhawrka Gudaha (Internal Audit) ayaa la gudoonsiiyay shahaado ku salaysan aqoontii ay barteen.

Tabarbarkan waxaa maalgeliyay Bangiga adduunka mana ahan markii ugu horaysay ee aqoontooda kor looqaado Hanti-Dhawrka Gudaha dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland