498C11E5-D1C1-4537-81BD-3F5ED4867D62.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo u digay Gaadiidleyda aan cashuurta bixin(Video)

Eng Cumar Xasan Fiqi

Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa u digay Gaadiidlayda aan Cashuurta bixin.

Shir jaraa’if oo uu ku qabtay xarunta Cashuuraha Berriga magaalada Boosaaso ayaa Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi waxa uu kaga hadlay bilaabashada Cashuuraha Gaadiidka.

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda ayaa Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa Gaadiidlayda aan Cashuurta bixin wakhtiga Kaambaynta uu ku dhici doono ganaax lacageed muddo saddex cishona ay ka hartay.

“”Mar labaad gaadiidlayda waxaan ogaysiinaynaa in ay labo cisho ka hartay wakhtigii loo qabtay in uu bilaaban doonaan Kaambaynkii ganaaxa Gaadiidka aan Cashuurta bixin hadaba xiligaas ka hor Gaadiidkaaga Cashuuro””ayuu yiri Cumar Xasan Fiqi.

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa sidoo kale  ka hadlay Gaadiidka aan Taarikada lahayn.

“”Gaadiidleyda aan lahayn lambarka saxda ah ee wata Taarikada Gaari dhacay,mid fuusto ah iyo noocyo kale waxaan ku wargalinaynaa in ay tagaan xarumaha oo ay qaataan Taarikada saxda ah”ayuu yiri mar kale.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/2205802226153126/

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda intii uu ku gudajiray jshirkiisan jaraa’id ayaa sidoo kale uu ka hadlay Gaadiidka Dawladda ee wata lambarka (GD)

“”Hay’adaha Dawladda waxaan ogaysiinaynaa ee wata Taarikada GD waa in ay tagaan Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ayna qaataan istiikarada loo diyaariyay taas oo muujinaysa in aan gaarigaas Cashuurtu ku waa jibin”ayuu yiri

Ugu dambayn Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa Bulshada reer Puntland ugu baqay in ay labadaas cisho in ay Cashuurta ku bixiyaan.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland