dsc_0127

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka hadlay Cashuuraha (Sawirro+Video)

dsc_0127Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Wasiir kuxigeenka Dakhliga Mudane Maxamed Jibriil Caateeye ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.

Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo uu weheliyo Mudane Maxamed Fibrin Caateeye ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha Cashuuraha,Furdada,Saraakiisha Cashuuraha,dekeda iyo qaar kamid ah shaqaalaha.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney u yimaadeen kicinta cashuuraha qeybahooda kala duwan.

Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in uu si weyn usoo dhaweynayo ganacsatada kala shaqeysay Wasaaradda bixinta cashuurahaas una horseeday go’aankii dowladnimo iney fuliyaan.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland iyo Wasiir kuxigeenka Dakhliga ayaa kormeeray habsami u socodka shaqo ee Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda xarunta dekeda ee Boosaaso.

Hoos ka daawo Shirka Jaraa’id ee Mudane Axmed Yaasiin Saalax.

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.


dsc_0103 dsc_0106 dsc_0107 dsc_0108 dsc_0112 dsc_0113 dsc_0114 dsc_0115 dsc_0118 dsc_0127 dsc_0129 dsc_0132 dsc_0135 dsc_0140 dsc_0144 dsc_0152 dsc_0153 dsc_0157 dsc_0160 dsc_0161 dsc_0162 dsc_0165 dsc_0168 dsc_0169 dsc_0170 dsc_0172 dsc_0176 dsc_0179 dsc_0182 dsc_0187

Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
Xafiiska Boosaaso
mofpuntland@gmail.com

_____________