19260461_1116109955161097_3546179630082716961_n.jpg

Wasiir kuxigenka Wasaradda Maaliyada Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda(Sawirro)

Wasiir ku xigenka Wasaradda Maaliyada Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Guud ee WasaaraddaXafiiska Wasiir ku xigenka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan waxaa Maanta ka dhacay Kulan Muhiim ah o ay ka qeybgalen Agaasimayaasha Guud ee Wasaradda Maliyadda.

Xubnaha ugu Muhimsan ee shirkan ka qeybgalay ayaa waxa ka Mid ahaa,Agasimaha Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Cabdirisak Maxamed Xasan,Agaasime Guud ee Canshuuraha Beriga Cali Jaamac Gashan,Agasimaha Furdooyinka Wasaaradda,Cismaan Buux Cali,Xisabiyaha guud ee Wasaradda Maaliyadda Cabdirisaaq Siciid Nuur,iyo Ku xigenka Xisabiyaha Guud Xasan Cali , Agaasimaha Waaxda Miisaniyadda Wasaarada Maaliyada iyo Agaasimaha Waxda Canshuuraha Beriga Cabdulqaadir Jeenigaab

Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan

Muhiimada Kulankan ayaa waxa uu ahaa isbarasho guud Madama Wasiirka ku xigenka uu ku cusub yahay Jagadan islamarkaana u dhawaan soo Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kulankan ayaa waxaa Diirada lagu saaray Dar dar gelina Canshuuraha guud ee Dowlada Puntland,iyo kor u qaadida Daqliga Guud ee Dowlada Puntland.

Wasiir ku xigenka Wasaradda Maliyadda Dowlada Puntland ayaa xubnaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyada ku booriyay in ay sii laba jibaaran qabka ay hada u wadaan shaqooyinka ay ka hayaan Wasaradda Maaliyada.

Maxamuud Cabdisalaan Xasan Ducale
Madaxa Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Xafiiska Garoowe