Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo gaaray Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga dib habeynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wafti oo hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo.

Waftiga Wasiirka waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRta Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare).

Booqashada Guddiga ee Gaalkacyo ayaa daarran ka qayb galka Munaasabad Tababar loogu soo xirayo Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo muddo casharro kale duwen uga socday Dugsiga Gen. Carays ee Godod.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland