0BEAC292-AE4B-4454-961D-FF4A85DF5001.jpg

Wasiir Xasan Shire oo Guddoomiyay Shir ay kasoo qaybgaleen Madax ka socotay Maamul-goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Puntaland Xasan Shire Cabdi

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta Shir Guddoomiyay kulan ay kasoo qaybgaleen Madax ka socotay Maamul-goboleedyada iyo dowladda Federaalka oo ka dhacay Garoowe.

Shirkaan waxaa isugu yimid Guddiga Baarlamaanka Federaalka ee dhanka Dhawaalaha iyo xubno ka socoday dowladda Federaalka, Puntland, Jubbaland,Koonfur Galbeed. Hir-Shabeelle,Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Shirka ayaa looga dooday Hindise sharciyeedka lagu maamuli doono dakhliga guuf ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna diirada saarayaa sida dakhliga loo maamulo iyo cidda maamulaysa.

Xeerkan ayaa ah xeerkii ugu horreeyay oo laga sameeyo wadashi dhexmara Dowladda Federaalka iyo Maamulada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa xusay muhiimada ay leedahay in laga doodo xeerkan, loona baahan yahay in uu kasoo baxo xeer lawada leeyahaya oo qof kasta oo muwaadin ah uusan tuhun ka qabin.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim tahay in wadatashi laga sameeyo xeer kasta kk Baarlamaanka hor imaanaya kasoo muhiimad gaar ah u leg dhammaan qof kasta oo Soomaali ah.

Gabagabadii shirkan ayaa ahmiyad weyn u leh dayn cafinta Soomaaliya , wuxuuna horseedi doonaa horumar laga gaaro arrimaha taagan.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland