4AF6BAE4-6E6A-4E08-A75D-F935793440D5.jpg

Wasiirk Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tagay Kastamka Maaliyadda ee Airporka Boosaaso(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Booqashada Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ee Wasiirka Maaliyadda,waxaa ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi.

Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Maamulaha kastamka Cashuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Cabdi Cartan, shaqaalaha Cusub iyo kuwii hore ee halkaasi ku sugnaa.

Maamulaha Kastamka Cashuuraha Wasaaradda ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Cabdi Cartan ayaa Wasiirka Maaliyadda uga xog waramay habsami u socodka shaqada iyo shaqaalaha dhowaan la keenay.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa talooyin dheeraad ah oo dhinaca shaqada ah siiyay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee halkaasi ka hawlgala.

Xasan Shire Cabdi,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa uu waday dardargalelin ku aadan dhanka shaqada Wasaaradda Xafiisyada ay Boosaaso ku leedahay.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland