IMG_0479.jpg

Wasiirka Cusub ee Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Siciid Carshe oo Xilka la Wareegay[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe dhaqaaje ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada ahna Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdulaahi Shiikh Axmed .

Munaasabad xil wareejinta oo ka dhacday xarunta cusub ee wasaaradda maaliyada magaalada Garowe waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta xilalka la kala wareegay , Shaqaalaha Wasaaradda, Qaar ka mid ah Wasiirada Puntland iyo Qeybo ka socday bulshada rayidka.

Cabdulaahi Shiikh Axmed Wasiirkii hore ee Maaliyada ayaa ugu horayn kusoo dhaweeyey wasiirka cusub wasaradda wuxuuna ka codsaday shaqaalaha ka howlgala wasaaradda inay ula shaqeeyaan wasiirka cusub sidii ay isaga ula shaqayn jireen.

Wasiirka cusub Wasaaradda Maaliyada Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe Dhaqaaje

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Puntland ahna Wasiirka Xanaanada xoolaha Cabdulaahi Sheikh Axmed ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadu ay ka howlgasho dhamaan 9-ka gobol ee Puntland,isagoo tilmaamay inay howlo badan ka qabatay Puntland.

Wasiirka cusub Wasaaradda Maaliyada Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaween wasaaradda,isagoo ka codsaday inay la shaqeeyaan isaguna uu xilkiisa sida ugu wanaagsan ugu gudan doono.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada ayaa sheegay dowladdu aysan shaqayn karin canshuur la,aan sidaa darteed wuxuu ka codsaday shacabka iyo ganacsatada Puntland inay bixiyaan canshuurta ku waajibtay si ay ugu adeegaan Amniga iyo horumarka dalka.

Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Xafiiska Garoowe